warsaxaafadeedkani ayaa soo baxay kadib markii garab kamid ah mujaahidiinta ay soo saareen war ay kusheegayaan in la xiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Taariikh:14/09/2008
Ujeedo: War Saxaafadeed
Dhammaan waxaan lawada soconaa in dalka guud ahaan cadow qabsadey, wuxuuna xaruumo ka dhigtey dhammaan Ilihii Dhaqaalaha, Jaamacadihii, Iskuuladii, Isbitaaladii,iyo Xaruumihi Dawladda oo dhan, Airporkuna wuxuu ka mid yahey goobaha cadowgu qabsadey.
Waxaan caddeyneynaa oo xaqiiqo ah in ay ka jiraan Airporka mafaasid aad u ballaaran, sida madaxda cadowga oo ka soo degta, dhaqaalaha oo cadowgu qaato, dhaawaca oo cadowgu ka dhoofsado, hubka iyo ciidanka oo uga soo daga, iyada oo intaasi jirto hadana waxaa lama huraan ah in la ogaado in ay jirto masaalix fara badan oo shacabka soomaaliyeed ku qabaan, waxaana ka mid ah masaalixda shacabku ku qabo:
1. Airporka waxaa ka dhoofa kana soo daga kumanaan soomaali ah oo u kala socda gudaha iyo dibadda.
2. Waxaa ka soo daga adeegyo fara badan oo bulshada lagama maarmaan u ah, sida daawada, qalabka electroniga ah, dharka, iwm.
3. Waxaa ka dhoofa xujeyda gudaneysa xajka iyo cumrada.
4. Waxaa ka soo dega dadka soomaaliyeed oo ka imaanaya dibadaha daneynayana in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.
5. Airporku wuxuu ka mid yahey meelaha shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan ay ka faa,iideystaan iyada oo cadowgu heysto.
6. waxaa laga dhoofiyaa daka u baahan adeega caafimaad oo degdeg ah sida shacabka ku dhaawacmey madaafiicda cadowga.
Masaalixda aan soo sheegney awgeed waxaan aragnaa in aysan jirin asbaab hadda loo xiro airporka, sidaa awgeed waxaan uga naseexeyneynaa walaalaha arinkaasi ka soo baxey in ay dib u fiiriyaan iyaga oo u dhamqanaya shacabka soomaaliyeed ee cadowgu ku hayo dilka, dhaca, kufsiga, barkicinta, afduubka, jirdilka, cuna qabateynta iyo handadaada, waxaana caddeyneynaa in aanan arinkaas la qabin walaalaha go,aankaas qaatey.
Waxaan kaloo canbaareyneynaa kana xunnahey dhaca, dilka, afduubka, iyo dilka dadka bulshada u ah halbowlaha oo aan loo fiirin sharciga islaamka sida culimada, ganacsatada, aqoonyahanka iwm.
GUNAANUD
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogo in ay gargaar u fidiyaan walaalahooda tabaaleysan, kana faa,iideystaan bisha barkeysan ee Ramadaan.
Waxaana Allaah ka baryeynaa in uu naga dulqaado cadowga saliibiga ah ee caalamiga ah.
Wabillaahi Towfiiq
Afhayeenka Ciidamada GMIS
C/rixiim Ciise Caddow