Muqdisho,15,April-07 (Qaadisiya.com) Galabnimadii Maanta ayaa Waxaa kadhacay Magaalada Muqdisho Dagaal aad u xoogan oo dhex maray Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee wax iskacaabinta kawada Muqdisho iyo Xabashida Dalka kusoo duushay iyo daba dhilifyadooda.
Dagaalka oo la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka kala dhacay Tawfiiq iyo sidoo kale Wadada Dheer ee Xararyaale ee soo aada Villa Somalia.
Dagaalka Tawfiiq ayaa si aad ah la iskaga caabiyay Soomaalida dhunsan ee weerarka soo qaaday iyagoo halkaasina lagu jebiyay Masaakiintii lasoo qalday inkastoo aanan la garan karin khasaaraha soo gaaray.
Dhinaca kale Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa mar keliya soo kala dhex galay Ciidamada Duullaanka ah ee kusugnaa Isbartiibada iyo sidoo kale Laamiga Dheer ee Xararyaale ee aada Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Muqaawamada ayaa dooneysay in ay degaan Saldhigga Yaaqshiid taasi oo markii dambe dhalisay in halkaasi uu ka qarxo dagaal ba'an, waxaana ay si aad ah ugu dhowaadeen Muqaawamada Shacabka Xarunta Villa Somalia inkastoo Markii dambe ay arkaan in halkaasi laga soo tuurayo Hub aad u culus oo sababay in ay ka joogaan si aanan loosii wadin Xasuuqa Tikreega uu Shacabka Soomaaliyeed lamadacsan yahay.
Dagaalka oo la iskula habeensaday ayaa caawa xaaladdu ay degan tahay inkastoo uu jiro caawa cabsi aad u weyn oo ku aadan in lagu guuro Dhanka Xarunta Villa Somalia, waxaana la filan karaa Saacad waliba u Dagaal uu ka dhoco inta u dhaxeysa Xararyaale illaa Isbartiibada iyadoo dhanka Tawfiiqna uu weli xaaladdiisa iminka yahay mid aad u xasiloon hayeeshee difaac la iskula jiro weli.
QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM
|