Baay,17,January-08 (Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaarayo deegaanka Qansax Dheere oo katirsan gobalka Baay ayaa xaqiijinayo in xoogaga Mujaahidiintu ay Xalay Fiidkii si rasmiya ula wareegeen gacan ku haynta magaalada.
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa Weerar ku qaaday qansax dheere taas oo keentay in Maamulkii Riddada ahaa uu isaga cararo degmada Qansax Dheere.
Gudoomiya kusheegii Kooxda Mbagati u qaabilsanaa degmada qansax dheere Mujrimka lagu magacaabo Isaaq Shaam-Shaam oo baxsad ah ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunt gobalka Baay.
Waaxaa lagusoo waramayaa in Ciidamada Mujaahidiintu ay ku faafeen gobalada Baay iyo Bakool iyagoo dhawaan qabsaday deeganada Iidaale iyo Diinsoor, arrintan ayaa muujinayso sida Mujaahidiintu ay taageerada Shacabka ku hanteen maadaama xaaladu ay taagantahy meshii sanad ka hor ay dagaaladu ka bilaawdeen
QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM |