Counter
English |
|  Qaadisiya.com, Kadhig Hoyga
WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DALKA.
Maleeshiyada Kooxda Mbgati oo dil bareer ah u geystay hal ruux 2-kalena kudhaawacay Xaafadda Jiirogareeb ee degmada Yaaqshiid.

 

Muqdisho,29,November-07 (Qaadisiya.com) Maleeshiyada dowladda oo baritaano saakay ka bilaabay Xaafado kamid ah Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay xireen guud ahaan waddooyinka laga soo galo xaafaddaasi iyo sidoo kale iyaga oo xanibay guud ahaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Dadweynaha oo idil ayaa waxaa ay ku celiyeen guryahooda, waxaana ay ku wargelinayeen sida saakay la arkayay in ay baaritaanno ku sameynayaan Xaafadaha ay dadka kusugan yihiin kadib markii ay ka shakiyeen in Mujaahidiinta W/muqdisho iska soo abaabuleysa badankooda ay degan yihiin Yaaqshiid.

Inta ay baaritaannadaasi iyo sidoo kale jidgooyooyinka ay wadaan ayaa waxa ay si bareer ah u tookteen dhowr qof, waxaana dadkii ay tookteen ay gaarayeen illa 3-qof inkastoo dadkaasi mid kamid ah uu shahiiday halka 2-dii kalena iyaga oo dhaawac ah lagu wareejinayay gaari gacan lana la'aa goob looga baxsho xaafadda si goobaha caafimaadka loo gaarsiiyo kadib markii ay waddooyinka xirteen maleeshiyaadka Kooxda Mbgati.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin xoogan waxa ay ku qabaan marka ay arrimahani oo kale ay dhacaan, waxaana intooda badan ay Mujaahidiinta Xilliyadani oo kale ay helaan Taageerada ugu badan ee dhanka Shacabka ah kadib markii Kooxda Mbgati ay dadkii dhaawaca ahaa udiideen waddooyin halka Mujaahidiintuna ay isku dayayaan in ay waddooyin u furaan Shacabka rayidka ah.

 

QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.

MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM

© 2006 www.Qaadisiya.com