Counter
English |
|  Qaadisiya.com, Kadhig Hoyga
WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DALKA.
Maleeshiyada Kooxda Mbgati ee shaqaalaha Tikreega ah oo Masjid kuyaalla Suuq bacaad gabood fal ka geystay Xalay.

 

Muqdisho,30,December-07 (Qaadisiya.com) Qarax aad u weyn oo lala beegsaday Maleeshiyada Kooxda Mbgati ee daba dhilifka u ah Tikreega laguna beegsaday Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee suuq bacaad ayaa habeenimadii xalay waxa ay hawlgallo ka sameeyeen Suuqaasi iyo qeybo kamid ah Degmada Yaaqshiid.

Hawlgalladooda ayaa lagu soo waramayaa in ay ku qabqabteen sida caadada u ah dad fara badan oo rayid ah oo aanan waxba kagelin waxa ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana dadkaasi tiradooda lagu qiyaasay labaatameeyo sida dadka deegaanadii la baaray ay u xaqiijiyeen Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya.

Dhinaca kale Dadka Xaafadda Suuq-bacaad kudhaqan ayaa u sheegay Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya in Maleeshiyada Mbgati ay gudaha u galeen Masjid lagu cibaadaysto oo kuyaal gudaha Suuq Bacaad gaar ahaan qaybta lagu iibiyo caanaaha oo ay kasoo Xireen Labaatameeyo qof oo u badan Wadaado masaakiin ah oo ahaa jameecadii Masjidka iyo Dad ku Tukanayay Masjidkaasi.

Masjidkaa ay Xalay gudaha u galeen ayaa lagu magacaabaa (Madsjidka Sheekh Bashiir) wuxuuna kuyaal dhabarka dambe ee Suuq caanaha.

Sidoo kale xilligii ay Masjikdaasi galayeen ayaa maleeshiyada Kooxda Mbgati waxaa ugu jiray kabahooda iyaga oo aanan wax ixtiraam ah u heynin goobtaasi daahirsan ee Allaah lagu baryo, waxayna taasi ka dhigeysaa waxa lagu sifeynayo dadkani in aysan qalad aheyn oo ay sax tahay marka loo eego dadka shakiga ka qaba in Dadkani la leeyahay Kuffaar lagu qaldan yahay lakin Nin Masjid Kabo ku galay isaga oo sheeganaya Muslim ma Muslim baa?.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Culumaa'udiin lagala baxo Masjid isla markaana lagu tacdiyo masjidka oo aanan la dhowrin Waajibaadka Masjidkaasi maadaama gaaladuba ay ilaashadaan Macaabidooda dulliga ah ee ay asnaamta ku caabudaan.

 

QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.

MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM

© 2006 www.Qaadisiya.com