Baydhabo,06,December-07 (Qaadisiya.com) Waxaa duhurnimadii maanta qarax labaad oo aad u xoogan uu ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan xafiis ay leeyihiin maleeshiyada Mbgati halkaasi oo lasheegay in lagu uruuriyo Lacaga baadda shacabka Reer Baydhabo looga qaado.
Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Bam-gacmeed, waxaana looga dhiibay dhanka dariishadda sida dhagaxa oo kale, waxaana halkaasi ku dhaawacmay illaa 8-qof oo lix kamid ah ay yihiin maleeshiyada mbgati gaar ahaan kuwa lacaga baadda qaada.
Qaraxani ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo muddo 6-saacadood ah uu ka dhoco gudaha magaalada Baydhabo oo ah halka ay kasoo ifbaxeen kana soo ambaqaadeen daba dhilif tikree oo idil illaa iyo iminkana goobtaasi lagu ilaaliyo.
Arrintani ayaa waxa ay muujineysaa sida Mujaahidiinta ay Hawlgaladooda u ballaariyeen iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu midoobayaan JIhaadka lagula jiro Gaallada kusoo duushay Dalkeenna.
Cizzi iyo Sharaf Allaah bay u sugnaatay, waxaana arrintani ay horseedi doontaa In Inshaa Allaah Dalka xoog looga saaro Tikreega kusoo duulay ee isu heysta in uu wax weyn qabtay lakin waa ay arki doonaan Caqabada ku dhacda Inshaa Allaah.
saakay ayuu ahaa qarixii ugu horeeyay oo Baydhabo ka dhacay inkastoo lasoo xaqiijiyay in ay ku baaba een Tikree fara badan Qaraxa Gaarigaasi lala beegsaday iyadoo qaraxanina uu noqonayo Guushii labaad.
QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM
|