Counter
English |
|  Qaadisiya.com, Kadhig Hoyga
WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DALKA.
Sh.Shariif Sh.Axmed oo sheegay in Hadalka Nuur Cadde aanu wax jiro aheyn inta Tikreega dalka kaga baxayaan.

 

Asmara,05,December-07 (Qaadisiya.com) Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xureynta iyo dib u soo nooleynta Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaashaanka u daruuray hadal dhowaan kasoo yeeray daba dhilif Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo kamid noqday jawaasiista Tikreega dalka kusoo duulay.

Beenintani ayaa waxa ay timid kadib markii Nuur cadde isaga oo iska gadaya Beesha Caalamka uu sheegay in uu heshiisiin doono qolada Allaah ka furatay ee ogol Gumeysiga iyo sidoo kale Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee u istaagtay Dib u xoreynta dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxa uu si cad u sheegay dhibaatada in uusan aheyn Geeddi lakin ay tahay keliya Dhibaatada Dalka Soomaaliya Tikreega kusoo duulay wuxuuna yiri “Ujeedkeenu ma ahayn inaanu dhib ku qabnay Geeddi ee waa xoog ku haysashada Cadowga Soomaaliyeed ee dhulka Daahirsan xoogga ku heysta.

Ugu dambeyntii waxa uu qiray shariifka in cid waliba ay la hadlayaan oo Soomaali ah lakin waa marka ay dalka isaga baxaan Tikreega dalka kusoo duulay isla markaana daba dhilifyadooda ay u soo horkaceen.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa muujinaya weli Mawqifka cad ee ay ka taagan yihiin Goliha Maxaakimta Xoreynta Dalka iyo la dagaalanka Cadow waliba oo kaafir ah oo dalka kusoo duulay.

 

 

QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.

MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM

© 2006 www.Qaadisiya.com