Muqdisho,03,December-07 (Qaadisiya.com) Wararka aanu iminka Muqdisho ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay weerar xoogan ku qaadeen Tikreega kusugan Warshaddi hore ee Baastada iyo Xeradii Maslax.
Weerarkani ayaa waxaa la qaaday maalin cad taasi oo Tikreega ku dhalisay in ay Xasuuq u geystaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana Madaafiic xoogan ay ku garaacayaan duhurnimadani xaafado fara badan oo Muqdisho kamid ah.
Madaafiicda ayaa waxa ay iminka kusoo dhacayaan qeybo ka mid ah Muqdisho, xilli ay dagaallo ka dhacayaan maanta suuqa xoolaha iyo qeybo kale oo ka tirsan degmada Heliwaa, waxaana dagaaladu ay ka bilawdeen Ex-control Balcad, Suuqa Xoolaha Sos iyo meelo kale oo degmadaasi ka tirsan, waxaana uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamo Tikree ah ay ku soo faafeen saaka deegaanadaasi.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa ka qeyb qaadanaya Tangiyada ciidamada Ethiopia oo madaafiicda ay ridayaan laga maqlayo qeybo ka mid ah Muqdisho.
Daryanka Madaaficida ayaa si aad ah Muqdisho looga maqlayaa, waxaana weli aanan la sheegi Karin khasaaraha ka dhashay waxaanse idin soo gudbin doonaa Inshaa Allaah sida ay wax u socdaan.
QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM
|