Muqdisho,03,December-07 (Qaadisiya.com) Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo habeenadani dambe hawlgaladooda ah mid dar dar, waxaa habeenimadii xalay ay weerar buuxa ku qaadeen Warshaddii Baastada iyo Dhismaha Xeyle Bariise halkaasi oo ay ku dhuumaaleystaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo maleeshiyaadka Kooxda Mbgati ee kusugan deegaanadaasi.
Weerarka ayaa loo adeegsaday hub casri ah, waxaana kamid ahaa iyaga oo lagu tijaabiyay Hoobiyeyaal rido dheer leh kuwaasi oo dhowaan lasoo gaarsiiyay Mujaahidiinta, waxaana sidoo kale ay la galeen Tikreega Macrako toos ah.
Mujaahidiinta ayaa xalay ku takbiirsaday wadada dheer ee hor marta Warshadda Baastada iyo sidoo kale daarta Xeyle bariise inkastoo markii dambe ay halkaasi isaga soo tageen kadib saacadihii Macrakada loogu talagalay markii ay idlaatay.
Waxaa xalay la xaqiijiyay in Tikreega halkaasi ay uga baqtiyeen inkabadn 5-askari, waxaana 3-kamid ah ay ku baqtiyeen hoobiyeyashii lagu tuuray halka labada kalena ay ku baqtiyeen rasaasta Mujaahidiinta, waxaana jira dhaawacyo kale oo aanan la ogaan Karin kadib markii xaaladda Tikreegaasi ay kusoo koobantay in ay kasoo bixi waayaan goobtii ay ku dagaalamayeen.
QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM
|